Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Isbahaysigii Asmara oo Khilaaf Xoogan soo Kala Dhexgalay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 31 2008
Isbahaysigii Asmara oo Khilaaf Xoogan soo Kala Dhexgalay
Written by Ali Moallim   
Thursday, 31 July 2008

Xasan dahirASMARA,(insidesomalia.org)- Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasumada dalka Eritera ayaa sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara uu fadhigoodu yahay.

 

Wararkan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Shiikh Xasan Daahir Aweys uusan ahayn Gudoomiyaha ururka sida ay  sheegeen qaar ka mida madaxda ururka is bahaysiga, kuna cad axdiga u dagsan isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Axdiga Ururkii Asmara ayaa dhigaya sidan: hadii gudoomiyaha uu dhinto, iscasilo,qayaano galo, hawlgab noqdo, iwm lagala noqondoono xilka gudoomiye-nimada,waxaana sii wadaya xilkaas gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga.

 

Waxaa kale oo wararkani sheegayaan in si buuxda looga xayuubiyay xilka Gudoomiyihii Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed xilkaasna uu sii  wadi doono Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Sidoo kale Shariif Xasan sh. Aadan xilka laga qaaday xilkaasna uu sii wadi doono Xuseen Faarax Ceydiid, sida ku cad axdiga isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya.

 

Waxay wararkani intaa ku darayaan in arintani ay murug ku abuurtay qaar ka mida masuuliyiinta Isbahaysiga iyadoo arintani ay keeni karto kala qeybsan hor leh oo ay kala qeybsamaan mar labaad Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, iyada oo ay horey u kala jabeen Ururkaasi Asmara iyagoo u kala jabay labo garab oo kala ah Qeybta Asmara iyo kuwa Jabuuti  oo haatan heshiis la galaya Dawladda  Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >